Sawiro:Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa qabatay kulanka Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dawladda

wasiir

Waxaa maanta magaaladda Muqdisho ka furmay kulanka Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dowladda, kaasi oo socon doona muddo sedex cisho ah oo ka bilaabaneyso 19 illaa 21-ka bishan March 2019, waxaana shirka soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

wasiir

Kulankaan ayaa waxaa goob joobjoog ka ahaa Wasiirka, Wasiir ku-xiggeenka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta, Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Shaqadda & Arrimaha Bulshadda, Xildhibaano ka tirsan Dawladda Federaalka, Guddiga Xuduudaha & Federaalka, Ururada bulshada Rayidka, maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u hishiisiinta Soomaaliya mudane Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo daah furay shirka ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in laga talo geliyo bulshadda Soomaaliyeed wadaagista awoodda heerarka dawladda Federaalka, waxaana wasiirku ka codsaday dhammaan ka soo qeybgalayaasha in ay talo ka bixiyaan awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu habboon oo ay kala lahaan doonaan heerarka dawladda, ha ahaado heer Federal ama heer dowlad goboleed.

“Waxaa la idin horkeeni doonaa oo aad ka shaqeyn doontaan, talana ka bixin doontaan “Waa maxay awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon ee loo xil-saarayo heerarka dowladda- ha ahaado heer Federal ama heer Dowlad Goboleed” Sidaas waxaa yiri Wasiir Sabriye

Gunnaanadka Shirkaan ayaa lagu wadaa in la soo saaro natiijada talabixinta ka soo qeyb-galayaasha ee ku aadan awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon oo ay kala yeelan karaan heerarka dowladda, (heer Federal & heer Dowlad Goboleed).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.