Gudoomiye Mursal oo ka tacsiyadeeyay dadkii Al-Shabaab ku laayeen deegaanka Goof-gaduud

mursal

Guddoomiyaha  Golaha Shacabka ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geriyooday Deegaanka Goof-Gaduud ee Gobolka Baay ka dib markii ay ku qaraxday Miino kooxda nabad diidka ah ee Al-shabab ay gelisay suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyay 24-ruux ayaa ku geeriyootay tiro kale oo 34-qof ka badanna waa ay ku dhaawacmeen,waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya uu dadkii ku dhintay Alle uga baryay in naxriistii jano uu ka waraabiyo ,intii dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Hay’adaha ammaanka ee Koonfur galbeed ugu baaqay in ay sameeyaan baaritaano lagu baadi goobaayo dhagar qabayaashii ka dambeeyay falka dadka masaakiinta lagu laayay si cadaaladda loo marsiiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.