Ra’iisalwasaare Khayre oo ku wajahan

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dawlad gobaleedka Jubaland ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhawaynayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta  wajahan halkaasi.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland,iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha kaladuwna ee magaaladaasi,kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta wafdiga raiisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo.

Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland,  lagu muujinayo soo dhawaynta heerkeedu sarreeyo ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu dhejiyay qaybaha ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo.

Qaar kamid bulshada magaalada oo ka hadlay Qaban-qaabada loogu diyaar garoobayo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in uu soo booqdo Ra’iisul wasaaraha qaranku, iyaga oo sheegay in socdaalku muujinayo sida dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah ay uga go’antahay ilaalinta midnimada, wadajirka, horumarinta iyo soo celinta karaamada umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa marka uu gaaro Kismaayo in uu la kulamo madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida kooxaha argagaxisada ah looga sifayn lahaa deegaannada ay dalka uga suganyihin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.