Duqayn Cirka ah oo loo gaystay xarumaha Shabaab kaga sugnaayeen deeganka Gamboole

diyarad

Wararka ka imaanaya Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday deegaan ay ku sugnaayeen kooxda argagixisadda Alshabaab isla markaana ay ku daateen ciidan ka tirsan kuwa Kumaadooska Soomaaliya iyo ciidamo kale oo ajnabi ah oo howlgalkaas si wadajir ah u fulinayay.

Dadka deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in markii hore ay maqlayeen dhawaqa diyaarado dagaal oo jawi hoose ku duulaya kadibna ay maqleen jug xogan oo ka dhaceysa deegaanka taas oo ay u malaynayaan Duqeymo ay geysanayeen diyaradahaan waxaana xigay in ciidan ajaanib ah iyo kuwa Soomaali ah ay gudaha u galeen deegaanka Gamboole oo ah fariisin ay leeyihiin Alshabaab kuna qaadaan dacwadaha kala duwan.

Ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan laakiin deegaanka Gamboole ayaa ah deegaan muhiim u ah Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.