Toos u daawo: Marwada Madaxweynaha Dalka oo daahfurtay shirweynaha Haweenka

zaynab

Marwada Madaxwenaha Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa daah furtay shiwryne looga hadlayo aayaha haweenka, kaasi oo ujeedkiisu-yahay sidii loo diyaarin lahaa axdi Qarameed u gaar ah Haweenka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada oo ay u dhanyihiin haweenka Soomaaliyeed.

Shrika waxaa ka qeybgalay Ku-simaha Guddomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddomiye ku xigenka 2aad ee Golaha Shacabka, Wasiirka Haweenka Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirada dhallinyarada iyo Qorsheynta ee Dowlad gobaledyada xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya, Guddomiyaha Gobalka Banaadir, guddomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, wafuud ka socta beesha calaamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin oo ka hadashaay daruufaha heesto haweenka Soomaaliyeed ayaa bogaadisay in la xoojiyo shirarka looga tashanayo aayaha haweenka Soomaaliyeed.
Marwo Saynab ayaa ku dheeraatay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen dib u soo kabashada dalka kaddib burburkii dowladda dhexe, waxayna xustay in haweenku qayb libaaxle ka soo qaateen badbaadada dad iyo dalka Soomaaliyeed, iyada oo bogaadisay dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraa horumarinta qoysaskooda iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.