Gudoomiye Mursal oo ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weerarkii Muqdisho

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka eeJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa marka hore guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku shahiiday weerarkii kooxaha Argagxisada ay ku qaadeen goobo isugu jira ganacsi, meelo ay dadku isugu yimaadaan iyo guryo ay dad shacabka ah degan yihiin, wuxuuna  Caafimaad deg deg ah Alle ugu baryay dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen.

 

“Innaa lillaah wa innaa illeeehi raajicuun marka hore intii nabad diidku ay halkaasi ku xasuuqeen Allaha u naxriisto sidoo kale intii uu dhaawaca soo gaarayna Caafimaad ah taam ah Allaha siiyo, waan cambaareynayaa weerarkaasi oo ah mid muujinaya baaxada ay la egtahay cadowtinimada nabad diidka ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed”. ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku amaanay ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sida taxadarka leh ee ay usoo gaba gabeeyeen howlgalkaasi saacadaha badan qaatay, kaasoo ugu dambeyn Geesiyaasha Qaranka ku guuleystay in ay laayaan tiradii nabad diidka ka tirsaneyd Sidoo kalena ay soo badbaadiyaan dadkii masaakiinta ahaa ee uu guryahooda ku qabsaday.

“Waxaan u mahad celinayaa Ciidankeena Amaanka oo soo badbaadiyay shacabkii maleeshiyaadka ay guryahooda ku qabsadeen Sidoo kale halkaasi ku laayay kooxihii nabad diidka ahaa ee weerarka soo qaaday,waxaana ciidanka ku amaanayaa dadaalka ay ugu jiraan cirib tirka kooxaha argagixisada ah” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Ugu dambeyn waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ciidanka ammaanka kala dhaqeeyaan sugidda ammaanka iyo cirib tirka kooxaha argagixisada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.