Daawo:Shacabka iyo Dowlada oo lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen kaalintii ay lahaayeen

shacab

Waxaa Xalay Magaalada muqdisho ka dhacay qarax kaas oo sabababy Dhimasho iyo dhaawac waxaana dhaawacyadii la geeyey isbitaalada Muqdisho qaar kamida dadkii ku dhintayna maanta ayaa waxaa lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxuu ku dhaliilay Shacabka dowlada Soomaliyeed gaar ahan wasaaradaha Cafimaadka, arimaha Gudaha, Amniga, Musiibooyinka, Gaashaandhiga iyo boliiska inay ka gaabiyeen jkaalintii ay lahaayeen.

Musharaxa Madaxwayaha Jubbakand Cabdi Maxamed warsame “Deeq Faandhe” ayaa waxuu sheegay shacab iyo dowlad iswata ayaa Cadow iska dhacsha lakiin sida hada layahay waxaa muuqata shacabka inaysan la shaqeynayn laamaha Amniga maadama Shababka ay iska soo abaabulayaan shacabka dhexdiisa taas oo larabay shacabka inay soo sheegaan.

Dhanka kale dowlada ayaa xageeda waxaa ka muuqda inaysan lahayn Telefoono shacabka ay soo wacaan si ay ayagoo la ogaan Laamaha aminga ugu soo waramaan, dhanka kale musharax deeq faandhe ayaa sheegay laga in laamaha kala duwan ee dowlada aysan wax warbixina ka aysan shacabka kasiin halka wax marayaan mana jiraan masuuliyiin ka socda dowlada oo booqday isbitaalada subaxii hore ee saaka.

ugu damabayn Musharaxa Deeq faandhe ayaa ugu damabyntii shacabka iyo dowlada inay iska kaashadaan sidii shabaab meel looga soo jeesan lahaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.