Ururka RJA oo Cambaareeyey Wariye Laga Masaafuriyey Kismaayo

cabdirisaaq

Soomaalida waxay ku maahmaahdaa “WAR LA HELAA TALA LA HELEE”. Caburinta saxaafadda xorta ah ee maamulka Kismaayo cadeystey xaq ma aha, xeerna ma ma dhigayo. Waa xadgudub qaawan oo ka hor imanaya “xoriyatul qowlka”.
Hadaba masaafurinta Cabdirisaaq Cawil ee TVga SAAB waxay markhaati fureysaa sida foosha xun ee maamulka Axmed Madoobe ula dhaqmo saxaafadda xorta ah.
Dhaqdhaqaaqa RJA waxuu cambaareynayaa falka masaafurinta ah ee lagu sameeye wariye Cawil. Maamulka magaalada Kismaayo waxaan uga digeynaa in aay ka waantoobaan ficiladan sumcadda Jubaland dhaawacaysa.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA
yusuf

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.