Madaxweynaha Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee Booqashada shaqo ku joogay magaaladda Doha ee dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxa uu kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxaana ay kawada hadleen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan, si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.
Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa ka mid ah in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerto 73 Milyan oo Riyaal oo u dhiganta 20 Milyan oo Doollar.
Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulineysa mashaariic horumarineed iyo kuwo bai’aadminimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.