Axmed madoobe oo is hortaagay in Xildhibaan xidig garoonka kismaayo lagu soo dhaweeyo

Hogaamiyaha Jubaland Axmed madoobe ayaa saaka garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo u diiday masuulyiin iyo dad shacab ah oo Garoonka diyaaraha kusoo dhawayn lahaa Xildhibaan Cabdirashid Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka DFS kaasoo doonayay inuu maanta magaalada Kismaayo uga dhawaaqo musharaxnimadiisa kursiga Madaxweynanimada Jubaland.

Ciidamada ayaa sidoo kale Jir dil u gaystay koox Wariyeyaal ah oo doonayay inay soo tebiyaan Musharax Cabdirashiid Xidid iyagoo sidoo kale gabi ahaanba jajabiyay qalabkii ay wateen Wariyeyaasha.

Maalmo ka hor waxaa garoonka Diyaaradaha Kismaayo si xoog ah ku galay Ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax oo xiligaasi kasoo dagayay Garoonka markii dambeba halkaasi ku shaaciyay Musharaxnimadiisa Doorashada.

Gudaha magaalada Kismaayo waxaa ka bilowday cadaadis xooggan oo la saarayo Siyaasiinta, Wariyeyaasha, Odayaasha, Dhalinyarada, Haweenka, taasoo dadka cadaadis lagu saarayo inaysan ka hadlin doorashada Madaxwaynaha iyo Xildhibanada Jubbwland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.