Barlamaanka koonfur galbeed oo cod aqlabiyed leh ku meel mariyay Golaha Wasiirada

Kalfadhigii 7-aad kulankiisi 2-aad oo ay isugu yimaadaan Golaha wakiilada Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ajandihiisu ahaa codka kalsooni siinta Golaha Wasiirada uu dhawaan soo dhisay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa kulankaasi oo uu shir guddoominayay guddoomioyaha Baarlamaanka kaga codsaday xildhibaanada in ay codka kalsoonida siyaan wasiirada uu dhawaan magacaabay,si loo dardargeliyo howlaha horyaala.

Intaasi kadib ayaa la gudaha galay ajandaha,waxaana soo xaadirtay 124 xubnood oo xildhibaano ah,kuwaasi oo cod aqlabiyed leh ku meelmariyay Golaha wasiirada Koonfur Galbeed,123 ayaana ogolaatay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa ku dhawaaqay natiijada,isagoo xusay in ay ansax yihiin xubnaha Golaha wasiirada Koonfur Galbeed,ayna gudan karaan waajibaadkoodi shaqo ee loo igmaday.

Ugu dambeyntii madaxweynaah Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa uga mahadceliyay golaha baarlamanka sida ay kalsoonida u siiyeen golihiisa wasiirada.

Isla goobtaasi ayaa lagu dhaariyay wasiirada,waxaana lagula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka horyaala.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.