Daawo:Dowlada Somaliya oo Beesha caalamka u fasaxday inay tagaan Kismaayo

axmed

Hogaamiyaha Jubbaland ee Fashilmay Axmed Madoob ayaa Madaxtooyada Kismaayo maanta ku qaabilay Wafdi kasocday Beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub iyo Jarmalka,Wafdigan oo uu hogaaminayay Madaxa Mashaariicda Hormarinta Jarmalka ee Soomaaliya Mr Marius Rauh ayaa Madaxweynahu uu kala hadlay sidii la isoogu xiri lahaa kaalmooyinka iyo Adeegyada hormarinta isla markana ay u noqon lahayeen kuwo siman oo wax tar leh.

Imaanshaha Waftigaan ayaa waxuu yimid kadib markii Hogaamiyaha Jubbaland axmed Madoobe uu kula kulmay Magalada Garoowe Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo kaas oo u ka codsaday in laga qaado Cuna qabatayta lasaaray taas oo uu aqbalaya Madaxwaynaha soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

waxaa wali xal loo helin Kacdoonka ay wadaan Shacabka Jubbaland ee kusugan dalka iyo dibadiisa taas oo ay ugu baaqeen Hogaamiyaha Fashilmay axmed madoobe inuu iscasilo kana hordhaqaaqo Shacabka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.