Puntland oo Xirtay Xafiiska Xisbiga Wadajir uu ku lahaa Garoowe

shakuur

Puntaland ayaa waxay xirtay Xafiiskii Xisbiga Wadajir ee Magaalada Garowe oo bil ka uu C/raxmaan Cabdi Shakuur uu ka furay Magaalada Garoowe ee xarunta maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland, Amarka lagu xiray xaafiiska Xisbiga Wadajir ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa Bixiyey Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Salaan Xasan Xersi, waxaana gabi ahaanba saaka uu yahay xafiiskaasi mid xiran.

Inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn ujeedada ka dambeysa xiritaanka Xafiiskii Xisbiga Wadajir ee Magaalada Garowe, ayaa hadana wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in Puntland ay diidan tahay Xisbiyada Siyaasadeed in saameyn ay ku yeeshaan deegaanada Puntland warar kale ayaa waxay sheegayaan inaan Xisbiga Wadajir uusan wax Ruqsad ah waydiisan Maamulka Garoowe.

Magaalada Garowe waxaa Xafiisyo ku leh labada Xisbi ee kala ah Himilo & Wadajir, inkastoo Xafiiskii Xisbiga Wadajir la xiray, haddana lama oga in Xisbiga Himilo uu si toos ah uga shaqeeyo Xafiiskiisa Magaalada Garowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.