Kenya iyo Soomaaliya kee baa khasaarayo hadii uu xariirkooda dhamaado

uhurro

Dowladda Kenya waxaan filayaa dhab kama aha jaritaanka xariirkeeda Soomaaliya. waxaa macquul ah in ay wax ku raadinayso, sidaas darteedna ay cirka ku shareeri doonta xiisad Siyaasadeed.

Dowladda Kenya hadii uu dhamaado xariirkeeda Soomaaliya waxay waayi doontaa:

1. 1.62 Bilyan oo Sanadkii kasoo xaroon jiray Khaatka. taas waxay abuuri doontaa jaha wareer ku dhaco Ganacsiga Kenya iyo dhaqaalaheeda.

2. Ciidamadeeda oo Dalka ka baxo, waxayna yarayn doontaa saamaynta ay ku leedahay Geeska Africa iyo Qaarada.

3. Shaqaalaha Kenya ee Soomaaliya ka shaqeeyo iyo kuwa u shaqeeyo Hay’adaha Soomaaliya ka howl galo waxay laf dhabar u yihiin dhaqaalaha Kenya. Waxaana macquul ah in ay meesha ka baxaan hadii uu xariirka dhamaado.

4. Ganacsigii kaga imaanayey xuduudaha Soomaaliya ayey waayi kartaa Kenya, waxaana kamid ah wax yaabo daruuri ah oon laga maarmin. Arintaan waxay aad u taaban doontaa Gobalka Waqooyi bari ee Soomaalida dagto.

Soomaaliya maxay waayi kartaa?.

Dowladda Soomaalida waxaa soo fuuli doona culeys Amni hadii ay Kenya ka baxdo Dalka. Sidoo kale waxaa hoos u dhici doonaa dakhliga gudaha, maadaama khaadka la joojin karo.

Waxaase Nasiib wanaag ah in Ganacsatada Kenya ee Soomaalida ah aysan saamayn doonin tilaabooyinkaan, maadaama ay haystaan Sharciyada Kenya iyo Dalal kale.

Sidoo kale Qaxootiga Soomaaliya waxa maslaxad ku qabo Kenya oo ka hesho dhaqaalo badan, waxaana jiro heshiisyo sedax geesood ah oo ay ku joogaan, mana saamayn doonta dhamaanshaha Xariirka labada Dal.

Arinta xumaanshaha xariirka labada dal waxaa la aaminsanyahay in uu salka ku hayo Dacwadii Qolfoofta badda ee IJC iyo Saahminta Shidaalka badda Soomaaliya ee London lagu saxiixay. Waxuuna gaari doonaa khasaaraha ugu badan ee dhamaanshaha xariirka labada Dal, Dowladda Kenya hadii Soomaaliya ay tiloobinkaa qaado.
W/Q Cali Shiiq Aadan
Cali Somali

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.