Qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

qarfax

Warar ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan qarax xoogan inuu goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay ka agdhow xarunta wasaaradda Baroolka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo gabi ahaan xiray wadooyinka soo gala halkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.