Sawiro:Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Gaaray Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.
Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.
Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada dawladood.
khayrekhayre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.