Madaxwayne Farmaajo iyo Madaxda Maamul goboleedyada oo kulmay

farmaajo

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa waxa  ka socda kulan saxaafada dibada kajoogto, Kulankaas ayaa waxa uu u dhexeeyaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo iyo Madaxda mkaamul Goboleedyada dalka ka jira ee ku sugan Magaalada Garoow iyo Gudoomiyaha Aqalka sarre.

Waxaa kaloo Kulankaas Goobjoog ka ahaa Bilowgiisi Madaxwayne yaashii horeSomaliya iyo Masuulyin katirsan Puntland oo ay kamid yihiin Madaxwayne kuxigeenka hore iyo Madaxwaynihii ee Puntland Cabdiwali gaas.

kulankaa ka socda Magaalada Garoowe ayaa waxaa looga hadlayo sidii loo dhameeyn lahaa Khilaafka u dhexeeya Madaxa maamul Goboleedyada iyo dowlada dhexe taas oo xafladii Caleemo saarka Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni laga sheegay in lays cafiyo oo laga shaqeeyo Wanaaga iyo Midnimada ummada Soomaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.