kulan xasaasi ah oo dhex maray Axmed Madoobe iyo Wafdigii kasocday Dowlada Kenya

axmed madoobe

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Garowe ee Caasimada Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ku qaabilay Wafdigii kasocday Dowlada Kenya ee halkan u yimid Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Puntlanad.
Waftigan ayaa waxaa kamid ahaa Senator Yusuf Haji iyo Madaxweynaha Ismaamulka Gaarisa Ali Bunow Qorane waxayna Axmed madoobe kawada Hadleen Xaalada Qalafsan ee ay Jubbaland kusugan tahay iyo qilaafka u dhexeeya Axmed Madoobe iyo Dowlada Federaalka ah ee Soomaliya.

Senator Yusuf Haji iyo Madaxweynaha Ismaamulka Gaarisa Ali Bunow Qorane ayaa Bishaan Jaanayo gudaheeda waxay kulan qarsoodi ah oo an lashaacin waxii looga hadlay laqaateen Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo waxaana loo malaynayaa inuu kulankaas ku saabsanaa arimaha jubbaland iyo sidii xal loogu heli laa is afaran waaga soo kala dhex galay Axmed Madoobe iyo Dowlada federaalka ah ee Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.