Axmed Madobe oo aan ka qayb galin caleemo saarkii madaxwaynaha Koonfur galbeed ayaa u Ambabaxay Garoowe

axmedmadoobe

Hogaamiyaha Jubbaland ee ku fashilmay Hogaanka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saaka u ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimadda Maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni oo lagu wado in ay berry oo Sabti ah ka dhacdo magaalada Garoowe.

Axmed Madoobe ayaanan ka qayb galin Caleemo saarkii Madaxwaynaha Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen taas oo ka dhacday Magaalada baydhabo, Axmed madoobe ayaa waxaa uu qorshaynayaa inuu lakulmo Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo munaasabada Caleemo saarka kadib si uu uga codsado in laga yareeyo Mucaaradka kaga imaanaya Shacabka Jubbaland iyo Dowlada federaalka ah ee Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.