Bananbax kadhacay Dhuusamareeb oo looga Soo horjeedo Kufi loo gaystay Gabar Yar

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug ayaa waxa ka dhacay Maanta banaanbax looga soo horjeedo kufsi loo gaystay gabar yar taas oo ay ka xumaadeen Bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Shacabka Magalada Dhuusamareeb iyo ardayda waxka barata iskuulada Magaaladaas ayaa dhigay banaanbax waxaana ay dalbanayaan in cadaalada lahor keeno dadkii ka dambeeyay kufsigaas oo lasheegay inuu ka dhacay tuulo u dhaw magaalda Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka Magaalada Guriceel iyo laamaha amniga weli sirasmi ah ugama hadlin kufsigaas sidaweyn Baraha bulshada loogu faafiyay ee la sheegay in Gabar yar tiro rag ah ay u geysteen kufsi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.