Askar Katirsan Ilaalada Axmed madoobe oo Shabab isu soo dhiibay

shabab

Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay  Sadex Askari oo ay sheegeen in ay ka tirsanayeen Maamulka Jubbaland, kuwaas oo ay sheegeyn iney ka soo baxsaday  maamulkii ay katirsanaayeen ayna isku soo dhiibayn Al-shabaab.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka isku dhiibay ay katirsanaayeen Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Jubbaland iyo sidoo kale Istaafka Axmed Madoobe sidaasna waxaa Sheegay warbaahinta Al-Shabaab aayakoo intaas ku daray  in raggaan ay lasoo goosteen hubkii ay ku ilaalinaayeen Madaxtooyadda maamulka Jubbaland.
Ma jirto wax cadeyn ah oo loo haayo in ragaan ay katirsanaayeen Maamulka Jubbaland marka laga reebo sheegada Al-Shabaab Maamulka Jubbalandna waa ka gaabsaday inuu beenioyo sheegashada Shabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.