Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo Beyruut kaga qeyb galay shirka madaxeedka carbta

wasiir

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad , isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxa uu ka qeybgalay maanta Shir madaxeedka carbeed ee afaraad ee horumarinta dhaqaallaha iyo bulshada ee ay martigelinayso dowladda aanu walaalaha nahay ee Lubnaan.
Shir madaxeedka carbeed oo saaka ka furmay Magaalada Beyruut – sida ku xusan jadwal shaqeedka looga dooday kulankii gogol xaarka ee wasiirrada- ayaa waxaa looga hadlayaa 29 qodob oo ah waxyaabo ay dunida carbeed wadaagto sida dhaqaallaha, bulshada.
Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay hindisayaasha iyo istiraatiijiyadaha la xiriira cunnada, tamarta, ka takhalusidda saboolnimada, ilaalinta haweenka, istiraatiijiyadda carbeed ee tamarta joogtada “Sustainable Energy” iyo dhaqaale ka abuuridda waxyaabaha dhejitaalka laga sameeyay iyo kuwa kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.