Akhriso:Axmed Madoobe oo Fashil ku yimid kadib markii laga daba tagay Beentiisii

jubaland

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Lixdii sano ee lasoo dhaafay 6 kilomitir dhaafi waayey ayaa Maalmihii lasoo dhaafay waxuu sheegay inuu deegaanada Jubbaland ka Xoreynayo Kooxda Alshabab.

Axmed Madoobe ayaa warbaahinta Soomaliya waxuu soo bandhigay Ciidamo uu sheegay inay ku wajahan yihiin Afmadow kuwaas oo lasheegay inay marayaan dhulka udhaxeeya Kismaayo iyo Afmadow oo ay kusugan yihiin Kooxda Argagixisada Shabab.

Axmed Madoobe ayaa markale isku daayey inuu qaldo shacabka Soomaliyeed isagoo sheegay in Garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo  laga daabulay Ciidamo kala duwan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Jubbaland oo  ku wajahan degmada Afmadow, waxaana halkaas ku beenoobay Ciidamadii Axmed madoobe sheegay inay mareen dhulka kuwaas oo gaaray Magaalada Afmadow sababtoo ah kuwaan maxaa udiiday inay Mareen dhulka.

Axmed madoobe ayaa markii uu waayey taageerada shacabka iyo kan dowlada Soomaliyeed kuna fashilmay Hogaanka Jubbaland ayna soo dhowdahay Xiligii doorashada Jubbaland ayaa waxuu isku dayayaa inuu qaldo Shacabka Soomaliyeed ayakoo ka daalay qiyaamadiisa.

 

 

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.