Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Xildhibaan Ruush

ruush

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uusoo saaray waxa uu kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) oo maanta ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho,isagoo Alle uga baryay inuu siiyo naxriistiisa,ehelkiisa,golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.
“Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun Anigoo ku hadlaya magaceyga,kan Guddoonka Golaha Shacabka iyo kan Guud ahaan Xildhibaanada waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelka, xildhibaanka uu ka geeriyooday,Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Allaha ha u naxriisto ,Kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo Xildhibaanka waxa uu ahaa qof wadani ah oo jecel horumarka dowladnimada Dalka,waxa uu ahaa shaqsiyadiisa qof af gaaban oo Mar walba cibaadada Alle ku dadaala,naxriis badan Alle ka cabsigana dadka ku waaniya Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo Anagana gadaashiisa nama fidneeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka ,sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.