Barlamaanka Soomaliya oo Ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka

barlamanka

Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golasha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta ansixiyey xeerar kala duwan oo horyaalay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2019.
174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.