Maxaad kala Socotaa Axmed Madoobe oo Ciidamadii ugu badnaa Afmadow Udiray

jubaland

Ciidaankii loogu talo galay in ay xoreyaan gobolka jubbada dhexe ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada afmadow halkaas oo ay ka sameyeen howl galo la iskugu furaayo inta u dhaxeysa degmooyinka kismaayo iyo afdamow ciidamad qalabka sida ee dowlad goboleedka jubbaland ayaa qaaday isbaarooyinka yaalay inta u dhexeysa magaalooyinka afmadow iyo kismaayo oo 120 kiilo mitir ah.

Waxaa si rasmi ah u bilowday howl galkii uu ku dhawaaqay madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland oo lagu xoreynaayo deegaanadda ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabab gaar ahaan caasimadda dowlad goboleedka jubbaland ee Bu’aale.

Ciidanka gaaray degmada afmadow ayaa ah ciidamadii loogu tala galay in lagu xoreyo gobolka jubbada dhexe,waxaana ciidamada qalabka side ee jubbaland oo fulinaaya amarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ahaa in ciidanku isku tasho lagana maarmo cid kale oo ka qayb qaadata xoreynta jubbada dhexe.
Dhammaan xarumaha degmooyinka iyo xarumaha ciidamada ka socda abaabul xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo cid walba oo lidi ku ah jiritaanka iyo xasiloonida jubbaland.
Taliyaha guud ee ciidamada jubbaland sareye Guuto Aadam goojaar oo la hadlay JubbalandTV goor ayaa sheegay in uu biliowday hawlgalkii lagu xoreyn lahaa gobolka Jubbaland gacanteeda ka maqan ee Jubbada Dhexe.
Madaxweynaha jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ciidanka kula dardaarmay ka dhabeynta riyooyinka wanaagsan ee shacabka jubbaland iyo soo afjarida howl galada lagu sifeynaayo Al-Shabaab
Howl galkii maanta ay sameyneen ciidmada geesiyaash ah ee jubbaland ayaa ka dhigan in la soo afmeeray todobo sano oo kal xirnaansho ah iyo caasamadii oo ka maqan gacanta dowlad goboleedka jubbaland.
Xigasho Telefishinaka Axmed Madoobe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.