Wasiirka Cadaalada oo Furay shirka ladagaalanka Musuq Maasuqa

wasiir

Kulanka waxaa soo agaasintay Wasaaradda Cadaaladda dalka waxaana ka soo  qayb galay wakiilo ka socday wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda waxaa cinwaan looga dhigay kulanka wadatashiga istiraatiijiyada la dagaalanka Musuq-maashuqa waxaana  furay Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada dalka, mas,uuliyiinta kale ee ka qayb galay waxaa ka kid ahaa Hanti dhowraha guud ee Qaranka.

 

Ka eayb galayaasha Shirka waxaa ay ka doodi doonaan qaabka ugu wanaagsan ee la dagaalanka Musuq maasuqa iyo shuruucda la dagaalanka musuqa ee wasaaradu diyaarisay si loo soo saaro qorshe Qaran oo barnaamijkaan ladagaalanka Musuq maasuqa ku aadan.

Hanti dhowraha guud  Ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Ali (Afgooye) oo hadal ka jeediyay furitaanka Shirka ayaa sheegay in shirkani muhiimad weyn u yahay la dagaalanka Musuq maasuqa oo mudo la dagay Qaranimada Soomaaliyeed isla markaana looga baahan yahay ka qayb galayaasha inay xoogga saaraan in mira dhal uu noqdo shirku.

“Waxa la doonayo kow waa in shaqaalaha dowladda laga bilaabo wacyi galinta la dagaalanka Musuqa, waa in qof kasta oo mas,uliyad hayaa uu ogyahay waxa uu xaq u leeyahay markaas ayaa bulshada la gaarsii karaa” sidaas waxaa yiri hanti dhowraha Qaranka.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku dhiiri galiyay aqoon yahanka Shirka ka qayb galaya in ay soo saaraan xalka dhibka jira iyo istiraatiijiyada la dagaalanka Musuq maasuqa.

“Ujeedka Kulankaan waa wadatashi ku Aadan Istiraatiijiyada ladagaalanka Musuqamaasuqa waxaan rabnaa in wax wanaagsani ka soo baxaan dad idinka aqoon badan oo loo wacayo inay jiraan uma maleynayo waxaa la  idinkaga fadhiyaa inaad ka hadashaan soo saartaan xalka dhibaatada jirta”ayuuu yiri wasiirka cadaaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.