Top News:Baydhabo oo isu diyaarisay Doorashada Madaxwaynaha KoonfurGalbeed

koonfurgalbeed

Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in si fiican loo gu diyaar Garoobay Doorshada Madaxwaynaha cusub ee Maamul goboleedka Soomaliyeed ee KoonfurGalbeed, Goobaha bulshada isugu timaado ayaa waxaad arkaysaa hadal haynta ugu badan inay tahay Musharaxa noqonaya Madaxwaynaha Koonfurgalbeed Maalinta Bari ah.

Dhanka kale waxaa laamaha amniga Koonfurgalbeed diyaariyeen Ciidamadii sugu lahaa Goobaha Doorashada iyo Amaanka Guud ee Magaalada Baydhabo, waxaa kaloo ladiyaariyey Ciidamada Amisom ah ee ku sugan Magalada Baydhabo si ay uga hortagaan weerara ama Qaraxyo ka yimaada kooxda Agagixisada Alshabaab.

Maalintii shalay ahayd waxaa lasoo gabo gabeeyay dhageysiga khudbadaha musharixiinta ay kaga hadlayaan waxqabadkooda, Buslahada Koonfurgalbeed ayaa waxay u badinayaan in Musharaxa Lafta Gareen uu ku guulaysto doorashada Bari dhici doonta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.