Mareykanka oo Soomaaliya u yaboohay boqolaal milyan oo doolar

farmajo

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka; gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.
War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri;
Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya,
$420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed.
Shaqo abuurka
Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, ayagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah.
Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Mareykanku sheegey in la horumarin doono si shaqooyin badan loo u abuuro.
Geedi socodka deen cafinta
Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka deen cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale.
Waxbarashada
Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin.
Maamulka iyo Xasilinta dalka
$110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.