Cabdiwali Gaaa Gaas ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax.

gaas

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta si rasmiah magaalada Garoowe waxaa uu kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilkamadaxtinimada maamulkaasi.

Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas  ayaa soo  bandhigay Waxqabadkiisa, waxaa uuna Markale ku baaqay in dib loo doortay, si uu hogaamiyo Maamulka Puntland.

Sidoo kale Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Madaxweynaha  Puntland ayaa la doortay 8 Bishii Koowaad ee Sanadkii 2014 Kii, mudo dhan 5 sano ayuu ahaa hogaamiyaha maamulka Puntland .

In ka badan 30 Musharax ayaa xiligan waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Garoowe, kuwaasi oo dhamaantooda doonaya in ay u tartamaan xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.