Sawiro:kulan lagu taageeraayo Go,aankii khayre ee Dhismaha Dekedda Hobyo ka dhacay Gaalkacyo

Kulankaan lagu taageeraayay Saxiixii Ra’iisulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre uu magaalada Dooxa ee Dalka Qadar kula galay Madax ka tirsan Dowladaasi ayaa Maanta lagu qabtay Hotel-ka FIVE ee Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Nabadaynta Soomaaliyeed.

kulanka ayaa waxaa soo Agaasimay Dowladda hoose ee Dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxaana ka qeyb galay Maayarka Degamada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Bare, Xumno ka tirsan Maamulak Gobalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee Caasimadda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Maayarka Gaalkayo ee Galmudug Mudane Xirsi Yuusuf Bare oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay taageeraayaan Go,aankii iyo Saxiiixii Xasan Cali Khayre Ra’iisulwasaaraha Dalku Magaalada Dooxa ee Dalka  Qadar kula galay Dowladaasi isagoona ka dalbaday R/wasaarahu inuu ka dhabeeyo Dhismaha Dekedda Magaalo Xeebeedka qadiimigaa ee Hobyo.

Kualnkaan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan Magaaalada Dooxa ee Dalka Qadar Heshiis ku saabsan hirgalinta Mashaariicyo horumarineed oo ay ka mid ahayd Dhismaha Dekedda Magaalada Hobyo oo horay u dhagax-dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaayo ku kala saxiixdeen Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xasan Cali iyo Qadar.
Galkacyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.