Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo La Kulmay Madaxwaynahay Jabuuti

mahdi

-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Djibouti kula kulmay madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xariirka walaaltinimmo ee labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga.
Mudane Mahdi Maxamed Guuled ayaa madaxwaynaha Djibouti uga mahad-celiyey taageerada reer Bjibouti la garab taaganyihiin shacabka iyo dawladda Soomaaliye.
Madaxweyne Geelle ayaa intii kulanku socday ballan qaaday inay joogtaynayaan is-garab istaagga shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.
Wsiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labad dawladood ayaa qayb ka ahaa kulanka ay yeesheen ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Djibouti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.