Daawo:Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib maalma uu booqasho iyo safar shaqo ku joogay dalka Qatar.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa intii uu joogay Qatar waxa uu la kulmay dhiggiisa iyo amiirka Qatar oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dawladood.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Qatar, Turkey, Japan iyo Kenya, waxa uuna khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar, isaga oo sidoo kale ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Dooxa.

Intii ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisu ay joogeen dalka Qatar, dawladaha Qatar iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo iyo is-afgaradyo muhiim ah, iyada oo sidoo kale laga wada hadlay heshiisyadii horay u galeen labada dawladood.

Wasiirka isgaarsiinta, dekada iyo gaadiidka dalka Qatar oo kamid ahaa mas’uuliyiintii uu ra’iisul wasaaruhu la kulmay ayaa ballan qaaday in dhawaan la dhisayo dekadda Hobyo ee gobalka Mudug, iyada oo sidoo kale shirkadda Diyaaradaha Qatar ay shaacisay in july 2019 ay bilaabayso duulimmadyo ay uga kala gooshayso Muqdisho iyo Dooxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.