Madaxweynaha oo Gaaray Eratariya oo soo Gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Eretrea, Issias Efowerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, isagoo halkaasi ay kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne, Efowerki, iyo wafdigiisa oo hadda salaam sharaf ka qaadanaya Cutubyo ka mid ah Ciidamada Booliska Soomaaliyeed qaybta Baambayda, ayaa lagu wadaa in loo soo gudbiyo Xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda ugu sarreysa Dalka.

Waa booqasho Taariikhi ah, taasoa ah middii ugu horreysay ee Madaxweyne ka socda Dalka Eretrea uu ku yimmaaddo Dalka Soomaaliya, waxanay tallaabbadani qayb ka tahay dedaallada is-dhex galka siyaasadeed iyo tan Bulsho ee waddamada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.