Muuqaal:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shirarka Tubaha Amniga Iyo Siyaasadda

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirararka toddobaadlaha ah ee Tubta Amniga iyo Caddaalada iyo Tubta siyaasada loo dhanyahay.

Maamulka gobalka Banaadir, Taliska Booliiska iyo wasaaradda amniga gudaha oo qayb ka ah tubta amniga iyo cadaaladda ayaa shirka tubta amniga kusoo bandhigay siyaasadda dawladda ee la dagaalanka mukhaadaraadka oo aad looga dooday intii kulanku uu socday.

Siyaasaddaan oo loo qorsheeyay in lagu xakameeyo dhibaataa uu mukhaadaraadka ku hayo bulshada Soomaaliyeed ayaa tubta amniga iyo caddaaladda loogu soo bandhigay si horumarin loogu sameeyo kadibna loogu gudbiyo golaha wasiirrada, ugu dambaynna looga soo saaro sharci saldhig u noqda hannaanka xakamaynta mukhaadaraadka.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa dhanka kale guddoomiyay shirka siyaasadda loo dhanyahay oo maanta looga hadlay astaynta awoodaha heerarka dawladda, samaynta siyaasadda horumarinta iyo tababarrada dawladaha hoose, dib-u-eegista sharciga dawladaha hoose iyo hindise sharciyadeedka xiriirka heerarka dawladaha.

Shirarka Tubaha ee toddobaadlaha ah ayaa diiradda lagu saaraa Halbeegyada iyo qaybaha shaqo ee hor-tebinta u leh dhammaan hay’adaha iyo wasaaraha qaybta ka tubaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.