Dowlada Ingiriiska ayaa Somaliya ka tageeraysa Dhanka Ciidamada

wasiir

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Fadaralka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Dowladda Britain ee Soomaliya ay ku leedahay.

Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Masuuliyiintaan kala hadlay kor u qaadista Shaqaalaha Wasaaradda iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Masuuliyiinta ka Socotay Safaarada Uk ee Soomaaliya ayaa Wasiirka Difaaca Dalka u soo Bandhigay aragti ku aadan muhiimadd ay leedahay ka hortaga Askareynta Caruurta,iyagoona Balan qaaday in tababaro kor looga qaado Aqoonta Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shaqaalaha Wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya ay bixin doonaan.
Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah wadamada ka taageera Soomaaliya dhinacyad amniga,dhaqaalaha dib u dhiska iyo horumarinta hanaanka dowliga ah ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.