Akhriso:Mooshin laga Lakeeno Madaxwaynaha Ma Sahlana Maxuuse Dastuurska ka qabaa?

farmaajo

Mooshin laga keeno Madaxwaynaha Soomaaliya ma ahan hawl sahlan waxuuna marayaa Mar xalado kala duwan sida ku cad Dastuurka Soomaliya qodabkiisa 20AAD oo aranaya sidaan.

Mooshinka Madaxwaynaha waxaa keeni kara 3/1 Xildhibaanada Guud ” 92″ waxana lagu eedayn karaa Xad-gudub Dastuuri ah, Khiyaano Qaran iyo xad-gudub Shuruucda Dalka.
Markii mooshinka la qabto waxaa loo dirayaa Maxkamada Dastuuriga ah sida ku xusan Q.92-aad ee Dastuurka si ay usoo cadayso in eeda ay sax tahay. Haddii ay Maxkamadda soo aqbasho eedaha in ay yihiin kuwa sax ah waxaa la galinayaa cod, waxuuna ku dhacayaa 2/3 ” 184 cod”. Waxaana xilka sii haynaya Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa hada ah mid Dastuuri ah ilaa laga dhisaayo Maxkamad Dastuuri ah sida ku cad XNG. Marka ma  sahlano Mooshinka Madaxwaynaha laga keeno, lakiim  waxaa muuqata in khilaaf uu soo kala dhex- galay Madaxda Sare.
Xigasho Garyaqaan Cali Ismaaciil “CAli SOMALI”

xeer

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.