Kulanka Barlamaanka Somaliya oo maanta markale Baaqday.

mursal

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markale baaqday, xili maanta la filayay in ay kulan yeeshaan Mudanayaasha Golaha shacabka.

Baaqashada kalfadhiga Golaha shacabka ayaa waxaa sabab u ah, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Gudoonka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, taasi oo keentay in ay istaagaan shaqooyinkii Golahaasi.

Gudoomiye Mursal ayaa kulamo aan loo kala kicin ka wada Magaalada Muqdisho, isagoona la qaadanaya Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, si loo dhameeyo Khilaafka cirka isku sii shareeraya ee u dhexeeya Gudoonka iyo xildhibaanada qaar ee ka tirsan Golaha Shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.