Baladxaawo Alshabaab oo xalay dil ka gaystay Degmadaas

shabab

Kooxda Argagixisada Alshabab ayaa xalay Magaalada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo, waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabad Suggida.

Dilkaan ayaa yimid kadib markii rag hubaysan ay beegsadeen C/qani Axmed Faarax oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Nabad Suggida ee ka hawlgala Degmada Baled Xaawo.

Markii dableyda dilkaasi ay gaysatay ayaa waxa ay horay u sii qaateen Qori Ak47 ah oo uu watay Sarkaalka dilka ay u gaysteen.

Alshabaaba ayaa maalmihii dambe waxay weerar ku hayeen degmada Baladxaawo ayaakoo dil ugu gaystay Nabadoon kamida Nabadoonada Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.