XildhibaanJeesow ayaa ka bad baaday qarax lagu xiray gaarigiisa

Qarax

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaarigiisa Loogu xiray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan afaafka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama, Xildibaan Daahir Aamiin Jeesow ayaanan lasocon Gariigiisa.

Inta la xaqiijayay waxaa qaraxa ku dhaawacmay darawalka gaariga & ruux kale oo Xildhibaanka la socday.

Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.