Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta warbixin ka dhageystay maamulka Jaamacadda Ummadda

barlamanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageystay maamulka sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS).
Warbixinta ayaa la xiriirtay dib u yagleelida Jaamacadda, horumarada ay ku talaabsatay, hanaanka maamulka iyo waxbarashada Jaamacadda, caqabadaha heysta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Jaamacadda dhigata.
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed mudane Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in horumar weyn ay ku talaabsadeen mudada kooban oo ay shaqeynayaan.
Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ka codsaday in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed loo kordhiyo Miisaaniyadda loogu tala galay sanadkan oo hadda gaareysa 3-Milyan.
“Golaha Shacabka waxaa ka codsaneynaa iney ka shaqeeyaan sidii naloogu kordhin lahaa miisaaniyadda oo naloo gaarsiiyo 5-Milyan maadaama howlo muhiim ah ay na horyaallaan, Golaha Shacabka waxaa u cadeynayaa in dhismayaashii ay lahayd Jaamacadda qaarkood aan gacanta ku heyn oo shaqsiyaad gaar ah ay heystaan”. ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ardayda Jaamacadda aysan lahayn Isbitaalo ay ku baraatikeeyaan maadooyinka caafimaadka, waxa uu tilmaamay muhiimada ay leedahay in la helo goobo baraatiko ay ardayda ku sameeyaan.
Xildhibaanada qaar ee kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay horumarada Jaamacadda iyo warbixinta la soo bandhigay, sidoo kale waxa ay guul weyn ku tilmaameen dib u yagleelida Jaamacadda.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir guddoominaayay ayaa faray guddiga arrimaha bulshada iyo guddiga maaliyadda iney ka shaqeeyaan sidii miisaaniyadda loogu kordhin lahaa Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa xusay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay taageerada Jaamacadda, kana shaqeyn doonaan helida waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta mar kale la horgeeyay mashruuca sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo maray aqrintiisa 2-aad, waxaa sidoo kale loo qeybiyay hindise sharciyeedka wax ka bedelka hanti dhowrka guud ee Qaranka oo aqrintiisa 3-aad mari doono.
Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay hindisaha wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo qeybinta warbixin maaliyeedka miisaaniyadda 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.