Culumada Soomaliyeed Waa inay kala Saaraan Xaqa iyo Baadilka W/Q Jimcaale

jimcaale

CULUMADA SOOMAALIYEED WAA INAY KALA SAARAAN XAQA IYO BADILKA.
Markii arini ciriiri gasho ama talo ridbato,markii xuquuq laysku qabsado sida dhiig,dhaxal iyo xoolo nooc kasta ahaadeene,oo xigtada ama odayaashu xalin waayaan gobo,da ugu danbaysa waxaa bulshada Soomaaliyeed oo boqolkiiba boqol muslim ah ku kala bixi jireen shareecada Islaamka kalsoonidoodana si buuxda u siin jireen culumada Soomaaliyeed.

Waxay ahayd doorweyn oo Alle horti iyo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ay ku la haayeen waayo wixii Alle jideeyey bay wax ku xalin jireen oo aan eex iyo siyaasad midna ku dhexjirin.
Hadaba markii aan akhriyey bayaan culumada Muqdusha joogta ka soo saareen hkilaafka Dawlada dhexe iyo Maamul goboleedyada waxaa igu dhalatay in aan qoro qormadaan ,halkaana aan kula wadaago su,aalo iiga soo baxay bayaanka aan akhriyey,haddii aan aniga oo caamo ah culumada meel uga dhaco waan ka sii cududaaranayaa ee hay cafiyaan fadlan.

1-Waxay fareen mas,uuliinta dawlada dhexe iyo kuwa gobolada in ay fuliyaan wixii Alle faray,waa arin xaq ah laakiin arinta waxay mareysaa meeshii ugu denbeysay oo ummadda Soomaaliyeed wixii culumadu ka tiraahdo u dhegataageysa ,waxaa xaqiiqa labada dhinac sax ma wada aha khaladna ma wada ah ee qolaa tilowday xadkii Allee ee waajib koodu ahaa,sidaas awgeed sow ma habooneyn in ay ku caddeeyaan bulshadana uga digaan dibindaabyadeeda?Jawaabta ayyagaan u daayey.

2-Waxay labada dhinac fareen in ay ka dhabeeyaan dhaartii ay u dhaarteen Diinta Islaamka ,dalka Soomaalida iyo dadka Soomaalida,sidoo kale labaduba kama wada bixin dhaartii qolaa jabisay.Sow ma haboonayn in ay u caddeeyaan qolada dhaartii ka baxday? Jawaabta ayyagaan u daayey.

3-Waxay fareen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (FARMAAJO) mideynta Xukuumdda iyo dawlada in uu dadaal dheeri ku bixiyo maadaama uu assagu hoggaamiye u yahay,ayaduna waa xaq waana waajib saran madaxweynaha,marka h in ore xukuumada iyo dawlada waxay ula jeedaan ma garan,waxaanse u qaatay in siiqada loo qoray loola jeeday dawlada dhexe iyo maamul goboleeyada.Miyey muuqataa hagar ama ka gaabin madaxweynuhu waajibkiisa mideynta dalka uu ka gaabiyey ayyada oo aan arkayno Soomaaliya oo sodon sano faragelin qaawan oo lagu kala qaybiyey lagu hayey in uu albaabadii fargalinta naga soo awday si kala qaybsanaanta loo dhameeyo?Ayadana jawaabta culumada Muqdisho baan u daayey.
Marlabaad Culumada waa u cududaaranayaa haddaan taraaraxay.
Wabilaahi Towfiiq.Cabdullaahi Jimcaale Farax.
Saanyar30@hotmail.com.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.