Akhriso:Itoobiya oo la ogaaday in ay hub u soo Daabusho Soomaaliya

hub

Warbaahinta Dowladda Ethiopia ayaa Warisay in Warshad uu leeyahay military-ga Itoobiya oo magaceeda loo soo gaabiyo Metec ay Soomaaliya u soo daabuushar hub si sharci darro ah .
Film documentary oo TV-ga Dowladda laga baahiyay ayaa waxaa uu lagu sheegay in shirkaddu ay hubka ka gansan jirtay, Warkaan oo la baahiyay saacado kadib markii la xiray Madaxii shirkadaas Kinfe Dagnew oo la qabtay isagoo doonaya in uu u baxsado Wadanka Suudaan.

Suleiman Dedefo, oo ah Danjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyay Jabuuti ayaa waxaa uu sheegay in 2016kii Shirkadda military-ga Itoobiya ee Metec ay shirkad lagu magacaabo Ethiopian Shipping Lines ka iibsatay Labo markab oo duqoobay si ay u burburiso una isticmaasho birahooda, hase ahaatee taas badalkeeda shirkaddu ay maraakiibtii u adeegsatay in ay Alaab la mamnuucay ukala daabusho Iran iyo Soomaaliya.

Danjiruhu waxaa uu sheegay in uu warqad u qoray heey’ado dhowr ah oo ay ka mid tahay Wasaradda Arrimaha Dibadda ee itoobiya balse uusan helin wax jawaab ah, BBC-da ayaa sheegtay in Warqaddu uu danjiruhu sheegay Baraha Bulshadda la wareejinayay.
Isniintiina Xeer ilaaliya guud ee Itoobiya aya waxa uu sheegay in Baaritaan lagu sameeynaya Shirkadda military-ga Itoobiya muddo Shan bil ah lagu ogaaday musuq shirkadda hareeyay.
Waxaa uu hadalkiisa ku daray in Shirkaddu ay Iin dibadda ah ka sameeysay lacag dhan $2 billion oo dollar, balse ma uusan sheegin meeshaas lacagtaas ay shirkaddu ka sameeysay ay Somaaliya ku jirto iyo in kale.
Hadda waxaa la xiray 27 Sargaal ka shaqaynaya shirkadda lasheegay in ay Soomaaliya hub kusoo daabushay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.