Dhageyso:Xaaf iyo Shiiq Shaakir oo lagu eedeeyey Dilal ka dhacay Hobyo, Cadaado iyo Balanbal

Waxagaradka Galmudug ayaa si kulul ugu eedeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Shiiq Shaakir inay qeyb ka yihiin dhibaatooyin iyo xiisado ka jira Galmudug, kaddib markii dilal ka dhaceen deegaano ka tirsan Galmudug.

Waxgaradka Galmudug ayaa sheegay in waxa ka dhacaya Hobyo, Cadaado iyo Balanbale uu sabab u yahay khilaafka soo kala dhexgalay madaxda Galmudug kaas oo ay kasamuul yihiin Xaaf iyo Shaakir oo aan ka shaqeynayn Danta Galmudug ayakoo waqtigooda ku dhumiye Danaha dad kale sida Madasha maamul Goboleedyada.

Nabadoon Cabdul Soofe Faarax oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado kana Mid Ah Wax-Garadka Dadaallada nabadeed ka Dhex-Wada Beelaha Ku Dagaallamay Galbeedka Degmada Balan-Bale Ayaa Sheegay In Weli Ay Taagan Tahay Cabsi Laga Qabo In Mar Kale Dagaalku Dib U Qarxo.

Nabadoon Cabdul Soofe Faarax ayaa sheegay inay la hadleen Odayaasha Iyo Wax-Garadka Ku Sugan Degmooyinka Dhuusa-mareeb, Cabdud-Waaq Iyo Guriceel Isla-markaana Ay Kala hadleen Sidii Dagaalkaasi Loo Joojin Lahaa balse laga gaabiyey in lasoo kala dhexgalo.

Dhanka Kale waxgaradka kusugan Cadaado ayaa waxay sheegeen inuu Xaaf iyo Shiiq shaakiir ka masuul yihiin Dagaalada iyo dilalka kasoo cusboonaday Galmudug gaar ahaan dilka ka dhacay Hobyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.