Sawiro:Wasiir Goodax Barre ayaa kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda waxbarshada

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada oo xiligan uu ka socdo dib u dhis.

Kormeerka Wasiirka waxbarashada ayaa waxaa ku wehelinayay ,taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya S/Guud Mudane, Bashiir Maxamed Jamaac, wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Mudane, Xassan Maxamed Cali.
Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in injineerada dhisaya xarunta Wasaaradda waxbarashada ay ka mid yihiin injineero ka tirsan ciidamada Asluubta Soomaaliya.
“Injineerada dhisaya xarunta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah injineero ka tirsan ciidamada Asluubta taasina waa guul ay gareen ciidamada Asluubta”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.
Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in arintan ay guul u tahay shacabka Soomaaliyeed islamarkana dhaqaalaha ku baxaya dib ugu soo noqonayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Arinta waa mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed maxaayeelay dhaqaalaha ku baxaya wuxuu dib ugu soo noqonaya dowladda iyo shacabka,waxaan rajeyneynaa in dhawaan la soo gaba gabeyn doono dhismaha”ayuu intaasi raaciyay wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre.
Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xiligan ka socda dib u dhis lagu sameynayo iyadoo dhawaan lagu wado in la soo gaba gabeeyo.

warbixintii warbaahinta qaranka

godax

goodax

goodax

bashiir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.