Akhriso:Sharuuda Dhaq dhaqaaqa RJA ee Doorashada Jubaland 2019

yusuf

1. In guddi ka madaxbannaan maamulka Jubaland oo diyaariya hanaanka doorashada, qaybna aay ka yihiin ISBEDELDOONKA, XFS iyo xubno ka socda International community la isla meeldhigo.
1.1 Ka sokow arrimaha farsamo ee aay u baahantahay doorashada waa in uu gudigaasi cayimo xilliga Doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Jubaland.
2. In dhaqdhaqaaqyada mucaaradka la siiyo waqti ku filan oo aay si xor ah uga ololeynkaraan dhammaan degaanada Jubaland, lana joojiyo caburinta saxaafadda.
3. In warbaahinta noqoto mid loo simanyahay, si madaxbanaana u shaqeyn karto, siisana musharixiinta waqti is le’eg.
4. In ciidamada nabadgelyada noqdaan kuwa dhexdhexaad ah oo aanan loo adeegsan caburinta siyaasiyiinta.
4.1 Haddii taa la waayo in magaalada la geeyo ciidamo dhexdhexaad ah oo suga ammaanka guud ahaan magaalada iyo tan siyaasiyiinta.
5. In dhammaan Siyaasiyiintii iyo Salaadiintii iyo weriyeyaashii madax banaanaa ee hore magaalada looga masaafuriye aay si shuruud la’aan ah dib ugu laabankaraan magaalada.
Haddii aay jiraan qodoba kale oo muhiim ah, balse aan halkan ka ilaabay, waa lagu darikara markii la doono.
Waxaan dhaqdhaqaaqyada Jubaland ee ISBEDELDOONKA ah ka codsanaynaa in ayan aqbalin wax ka yar shuruudani.
Yuusuf Ducaale,
Gudoomiyaha dhaqdhaqaaqa RJA
XASUUS: dhaqdhaqaaqa RJA waxuu dalbanayaa isbedel dimoqoraadiya iyo cadaalad ka dhaqangasha Jubaland iyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.