Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo su’aalo waydiyeen Xildhibanada Aqalka Sarre

Xildhibaanada Aqalka sarre ee Soomaliya ayaa waxaa maanta Hortagay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga waxaana kulanka Xildhibanada Aqalka Sarre shir gudoominaayey Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ugu horayn warbixn guud oo ku aadan horumarka ay Wasaaradda samaysay, xiriirka caalamka iyo safaaradaha Soomaaliya qaabka ay u shaqeeyaan, wuxuuna dhinaca kale ka codsaday Golaha Aqalka Sare in ay jiraan howlo ay Wasaaradda uga baahan tahay inay gacan ka siiyaan.
Senatarada qaar ayaa su’aalo ku saabsan weerarkii shirkadda Hormuud ee xuduudda Kenya, arrimaha Somaliland, Wadahadaladdii Jabuuti iyo Eretria, go’aankii dowladda ee arinta Turkiga iyo Sacuudiga weydiiyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, si uu faah faahin uga siiyo arrimahaasi.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa mudanayaasha su’aalahooda si kooban uga jawaabay, isagoo sheegay in arrimaha shirkadda hormuud ay dowladdu gashay, maadaama ay Kenya dhankooda ka cabanayaan weerarada dhanka Soomaaliya uga yimaada, sidoo kale waxa uu xusay in Jabuuti iyo Eretria ay u bilaabeen wada hadal oo ay garwadeen ka tahay dowladda Soomaaliya,
Ugu dambayn fadhiga waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.