Ciidamada Itoobiya oo qarax lala beegsaday

itoobiya

Warrarka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo ciidammo Itoobiyaan ah oo marayay deegaanka Ceel Gaal oo qiyaastii 15 km bari kaga beegan magaalo madaxda gobolka ee Baladweyne.

Dad ku sugan Ceel Gaal ayaa sheegay inay maqleen qarax isla markaana ay arkeen qiiq iyo uuro hawada isku shareertay, iyagoo intaa ku daray in ciidammadii la qarxiyay ay wali fadhiyaan halkii uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa loo malaynayaa inuu ahaa nooca wadooyinka hareerahooda la galiyo ee meelaha fogfog laga hago.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa, waxyna intaa ku dartay in ay qaraxaasi ku dishay kuna dhaawacday sodon askari.
Xigasho BBC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.