Top News:Maamulka Gaas oo kala cadaynwaayey in xilkii laga qaaday Abwaan Shube iyo in kale

Warbaahinta Soomalida ayaa waxay qoreen war lasheegay inay kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo Xilka looga qaaday Gudoomiyaha Kooxda Fanka iyo Sugaanta ee Waabari Puntland Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube.

Abwaan Shube ayaa waxaa lagu edeeyay inuu ku Xadgudbay Jiritaanka iyo Maqaamka Dowladda Puntland Isagoona ku kacay falal lid ku ah jiritaanaka Puntland, lakiin waxa kaliya ee Abwaan Shube sameeyey ayaa ahaa inuu dhaliil usoo jeediyey shirkii Madaxda maamul goboledyada qaarkood ugu soo dhamaaday Garoowe kaas oo ay dhaliileen Culumada, Dhalinyarada, Abwaanada iyo Saraakiisha Ciidamada Puntaland.

Hadaba Xirir lala sameeyey Wasaarada Warfaafinta Puntland iyo Xafiiska Madaxwaynaha Puntland ayaa waxay ka gaabsadeen inay keenaan waraaqdii xilka looga qaaday Abwaan Shuba waxaa kaloo diideen inay ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyey Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube.

Madaxwaynaha Puntland ayaa waxuu dhawaan xilka kaqaaday Taliyaasha Ciidamada oo dhaliilay shirkii Garoowe ugu soo gab gaboobay Madaxda maamul goboleedyada waqtigooda Sii dhamaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.