Sawiro:Magaalada Luuq oo laga Hirgaliyey Korontada ku shaqeysa Cadceeda

Munaasibad lagudaah furayay mashruuc loogumagac daray adeegsida tamarta cadceeda ayaa waxey kadhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Mashruucan ayaa wuxuu kusoo aday iyadoo baahi weyn ee dhanka korontada ah ay kajirtay degmada iyo deeganada kuhareereysan waxaana maanta daahfurka mashruuca kasoo qeybgalay mamulka degmada iyo qeybo kamida bulshada kudhaqan degmada luuq
Waxaa goobta kahadlay Gudoomiyaha degmada Luuq iyo xubno kamid ah dadkii kasoo qeybgalay xafladda kuwasoo dhamaantood umahadceliyay iskaashiga Jarmalka ee GIZ oo ay deeqdani ugatimid iyadoo loo soo mariyay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulgoboleedka Jubaland.
Gudoomiyaha ayaa si gaar ah usheegay ahmiyadda uu barnaamajkan uleeyahay bulshada kudhaqan degmada iyo guud ahaan deegaanada kuhareereysan wuxuuna gudoomiyaha carabka kudhuftay in koronto tayo leh lana awoodo ay heli doonaan shacabka degmada. Mashruucaan ayaa noqonayo noociisa kii uguhoreeyay ee laga hirgaliyo degmada luuq iyo guud ahaan deegaanada Jubalad
Qaar kamida bulshada degmada oo iyaguna goobta kahadlay ayaa iyaguna sheegay ineey Muhiim utahay ineey helaan koronto tayo leh iyagoona umahad celiyey iskaashiga jarmalka oo ay deeqdaan katimid.
Mashruuca ayaa ah mid looga faaideynayo bulshada iyadoo la’adeegsanayo tamarta cadceeda ama nidaamka solar systemka kaasoo lagu xoojinahyo hay’adaha danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo ay kamid tahay shirkada Juba Electric Company oo hada bixisa adega korontada degmada Luuq
Ugu dambayntiina gudomiyaha degmada luuq ayaa dhankiisa Mahad celin gaar ah umahadceliyay dawlada federalka Somaliya iyo madaxweynaha maamulgoboleedka Jubbalandluuq

luuq


luuq

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.